James Swan;”Soomaaliya waxay xaq u leedahay in ay doorato hogaamiyeyaasheeda”

swan

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa qudbad ka jeediyay maanta munaasabadda xuska maalinta Qaramada Midoobay.

Qudbada kadib ayaa su’aalo la weydiiyay James Swan waxaa ka mid ahaa ciidamada Maraykanka ee la sheegay in laga saarayo dalka Soomaaliya,waxana uu ku jawaabay in su’aasha ay tahay in la weydiiyo dowlada Maraykanka.

Halkan hoose ka aqriso qudbada uu jeediyay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan;

Intii lagu gudo jiray xuska maalinta Qaramada Midoobay, waxa ay ergada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya muujiyeen xiriirka ka dhexeeya hey’adaha dalka iyo kuwa caalamka, iyaga oo xaqiijiyey in ay garab taaganyihiin Soomaaliya maanta iyo berriba.

“Inkastoo oo aan maanta xuseyno maalinta Qaramada Midoobay, balse waxaan halkaani u joognaa garabsiin. Waxaanu halkaani u joognaa iskaashi, qaas ahaan in aanu caawino hay’adaha Soomaaliyeed, Dowladda Soomaaliya, Maamul Goboleedyada iyo hay’adaha kale ee halkaan u jooga in ay dadka caawiyaan” waxaa sidaa yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan

“Waxaa naga go’an in aan si xoog leh u wada shaqeyno islamarkaana iswaafajinno waxyaabaha Qaranka u leh hortabinta” ayuu ka yiri shir lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Laga soo bilaabo 1945-tii, marka ay taariikhdu ku beegantahay 20 Oktoobar sanadkasta waxaa la xusaa maalinta Qaramada Midoobay; waxa ay ku beegan tahay sanad-guuradii ka soo wareegtay markii la dhaqan-geliyey Axdiga Qaramada Midoobay ee 1945. Markii la ansixiyay dukumiintigan aasaasiga ah oo ay qeybta ka yihiin shanta xubnood ee joogtada ah ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, waxaa si rasmi ah u bilawday hawlihii Qaramada Midoobay.

Hadal jeedintiisi, waxa uu ka hadlay Ergeyga QM doorarka kala duwan ee hay’adda Qaramad Midoobay kuwaas oo mideeya xirmooyin mabaa’dii ah oo ku jira Axdiga Qaramada Midoobay iyo galalka kale ee sharciyada tilmaama sida wadamada isu dhexgali karaan oo ay si wadajir ah uga mira dhalin karaan yoolashooda, isu keenidda kooxo hay’adeed oo u leh khibrad meelaha ahmiyada u leh horumarka aduunka, iyo doorka ay ku leedahay isu keenidda wadamada iyada xubnaha ka ah si loo qaato go’aanno mideysan.

Iskaashii waqti dheer ah

Mudane Swan waxa uu xusay in Soomaaliya ay qeyb ka ahayd Qaramada Midoobay kahor inta aysan xorriyaddeeda qaadan, halka hay’adda ay saaxiib dhaw la ahayd Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ay xubin buuxda ka ahayd Qaramada Midoobay tan iyo markii ay xorriyadda qaadatay 60 sano ka hor. Soomaaliya iyo Qamada Midoobay ayaa soo wada shaqeeyay, Qaramada midoobay waxa ay Soomaaliya ka taageertay xorriyaddii ay qaadatay sanadkii 1960” ayuu yiri.

Waxan xusayaa, ayuu ku daray, “In Qaramada Midoobay ay ay halkan joogtay xilliyadii wanaagsanaa iyo kuwii xuma,. Xitaa dhamaadkii sagaashameeyadii ilaa bilawgii 2000, markaas oo aysan jirin hay’ado badan oo taageereyey Soomaaliya, Qaramada Midoobay waxaa ka go’naa taageeridda iyada oo u mareysa hay’ado,kaalmo dhaqaale iyo mid barnaamijyo, iyo siiwadida taageeradeena si hore loogu ambaqaado horumarada uu dalka ku tallaabsanayo”

Ergeyga Qaramada Midoobay waxa uu hoosta ka xarriiqay sida dhaq dhaqaaqyada Hay’adda ee dalkan ku yaal Geeska Africa (Soomaaliya) ay ula jaan qaadayaan yoolasheeda qaran ee hortabinta u leh, kuwaas oo la sameeyey Madashii Saaxiibada Soomaaliya ee Muqdisho ku qabsoomay sanadkii hore, iyo waliba heshiiskii dhawaan la saxiixay ee ahaa Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Horumarka Waara ee Dalka (UN sustainable Development Country Framework –UNCF).

Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay ayaa xusay ahmiyadda ay u leedahay geeska Afrika hay’adaha

UNCF ayaa u taagan dadaalada wadajirka ah ee Dowladda Federaalka iyo Qaramada Midoobay si loo gaaro ajendaha 2030 ee ahaa horumar raaga iyo yoolalka lagu gaari lahaa horumarada raaga (SDGs). Hiigsigaan ayaa ah baaq wax looga qabanayo saboolnimada, wax ka qabashada dunida, iyo horumarinta aadanaha meel kasta oo uu joogo, arintaan oo ay aqbaleen dhamaan dowladaha xubinaha ka ah Qaramada Midoobay sanka markuu ahaa 2015, ajendahaan oo dajinaya qorsho 15-sano soconaya si loo gaaro Hiigsigaan.

UNCF waxa ay xustay qorshaha Qaramada Midoobay ay dooneyso in ay ku taageerto ajendayaasha ay dowadda leedahay iyo kuwa ay hogaanka u tahay. Waxyaabaha ay UNCF xooga saareyso waxaa ka mid ah Qorshaha Sagaalaad ee Horumarinta Qaranka Soomaaliya (NDP-9), oo ay ka mid yihiin siyaasadda loo dhan yahay iyo dib u heesheysiin; amniga iyo ku dhaqanka sharciga; horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada.

“Tani waa dadaalkeenna ku aadan in aan wada shaqeyno, saaxiibno, taas ayaana ah ujeedkeenna maanta iyo beriba” ayuu yiri mudane Swan.

Isla taas isaga oo ka hadlaya, waxa uu xusay in Qaramada Midoobay ay leedahay in ka badan 20 hay’adood, dhaqaale maalgalin iyo barnaamijyo iyo waliba laba hawl-gal oo ay sharciyad u siiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOS) iyo Hawlgalka Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), midka dambe (UNSOM), ee uu hoggaamiyaha ka yahay – waxa uu ka hawlgalaa Soomaaliya, kaas oo taageera dhaqdhaqaaqyada dalka ee mas’uuliyiinta Soomaaliyeed iyo dadkeeda ay daneenayaan, walaacanaya ku haya.”

Doorashooyinka Qaran

Intii lagu guda jiray shirka, wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay waxa uu soo bandhigay su’aalo ay ka mid yihiin mawqifka hay’adda ee ku aadan doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah waxa uu xusay in Qaramada Midoobay iyo saxiibada caalamiga ah ay u ololeenayeen doorasho qof iyo cod ah, sida ku cad dastuurka dalka Soomaaliya isla markaana ay taageereen madaxda dalka soo martay, iyo Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay. Hase yeeshee, shirarkii ugu dambeeyay ee ay madaxda Soomaalida ku yeesheen Dhuusamareeb iyo Muqdisho waxaa lagu saxiixay heshiis ku saabsan doorasho qaab kale ah, taas oo taageero ka heshay dhinacyo badan oo ka mid ah daneeyeyaasha siyaasadeed ee dalka.

“Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya xaq u leedahay in ay doorato hogaamiyeyaasheeda” ayuu ku jawaabay Mudane Swan. “Walow ay suurto gal noqon weysay doorasho qof iyo cod ah, haddana waxaan ku rejo weennahay in nidaamkan doorasho uu qabsoomo. Majiro qof raba in Soomaaliya ay gasho jahwareer siyaasadeed”

“Waxa uu muujiyey in uu ka rejo weyn yahay in la xushmeyn doono meelaha laga toos toosiyey nidaamka doorasho ee lagu heshiiyey, taas oo ay ku jirto qoondada 30% ee Haweenka ku metelaya barlamaanka Federalka ah, iyo qaabka loo sameynayo habraaca soo xulista in ay noqoto mid ballaarisa (Loo dhan yahay) , tusaale, ahaan, in habraaca xulista laga qeybgaliyo ururdada bulshada rayyidka ah, hoggaamiyeyaasha bulshada iyo Dowladaha Xubnaha ka aha Dowladda Federalka ah.

“Dabcan, sidoo kale waxaan rabnaa in aan xaqiijinno in habraacaku socdo daahfurnaanta ugu sarreysa yo islaxisaabtan,” ayuu Mr. Swan ku daray.

Tallaabooyinka loo qaaday dhinaca dimuqraadiyadda

Hadal u jeedintiisii warbaahinta, waxa uu Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobat ku nuux nuuxsaday in ay jireen tallaabooyin kale oo ay Soomaaliya qaadi kartay intii ay ku guda jirtay dhabbihii ay u qaadeysay dimuqraadiyenta guud.

“Marka laga soo tago doorashooyinka waqtigan dhaqaca……..waa muhiim in la xusuusnaado in dimuqraadiyaddu ay ka guda ballaarantahay doorashooyinka. Waa wax ku tacaluqa in dalka laga dhiso hay’ado taageero kara in dadweynaha la siiyo cod iyo door la xiriira soo xulashada hoggaamiyeyaashooda,” ayuu yiri Mr. Swan.

Isaga oo isla taas ka hadlaya, waxa uu xusay ahmiyada ay leeyihiin dadaalada lagu xaqiijinayo meelaha dastuurka db u eegista looga sameeyey ee lagu heshiin karo, kuwaas oo ay ka mid yihiin tiro qodobo farsamo ah oo keena kara taageero ballaaran iyo dhisidda hay’ado dowladeed sida kuwa xuquuql insaanka iyo Guddiga Adeegga Garsoorka.”

‘Hal Qof Iyo Hal Cod’

Mr. Swan sidoo kale waxa uu sheegay in hadda ay tahay waqtigii loogu diyaar garoobi lahaa in la sameeyo nidaam doorasho oo qof iyo cod in ay dhacdo doorashada qaran ee dambe ee Soomaaliya.

“Aad ayey muhiim u tahay in hadaba la bilaabo ka baaraan dagidda tallaabooyinka loo baahan yahay in qaado si loogu diyaar garoobo “Qof iyo Cod” sanadka 2024 ama 2025. Tallaabooyinkaas waxa ay u baahan yihiin in hadda la sii calaamadiyo oo lagu daro jadwal sanadeedka, aragti ahaan ay ka heshiiyaan daneeyeyaasha siyaasadeed isla hadaba,” ayuu yiri Mr. Swan.

“Yoolkeena waa mid ku xiran waxa ay nala tahay in uu yahay yoolka Soomaalida: In lagaaro “Qof iyo Cod,” ayuu yiri isaga oo hadalkiisa wata. “Shaqo in la qabto u baahan ayaa jirta si habraacan looga dhigo mid u wanaagsan sida ugu macquulsan, laakiin, hadana waxaan u baahannahay in aan si deg deg ah uga fakarno doorashada dambe iyo in aan ka caawinno Soomaalida imkaaniyaadka loo baahan yahay in la helo si loo xaqiijiyo “Qof iyo Cod” afarta sano ee dambe”.