Jen. Zakiya oo digniin culus dhinaca amniga ah u dirtay xildhibaanada cusub

Mar 20 (Jowhar.com) –Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Somalia General Zakia Hussein ayaa digniin culus oo dhinaca amaanka ah u dirtay xildhibaanada ku cusub siyaasada ee ku soo biiray labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sarkaaladan ayaa qoraal ay ku daabacday barteeda Facebook oo ay ciwaan uga dhigtay ” Talo ku socota xildhibaanada cusub gaar ahaan kuwa hori u soo qabanin xilal dowliyeed” waxa ay ku tilmaamtay ineysan cabsi galin ka eheyn, balse loo qaato oo kaliya talo.

Xubnaha cusub ayey uga digtay iney tagaan goobaha dadweynaha ay isugu yimaadaan iyo maqaaxiyaha, iyadoo dhanka kalena u sheegtay in fiiro gaara loo yeesho wadooyinka ay marayaan, maadaama bisha Ramadaan ay soo dhawdahay oo kooxaha dowladda ka soo horjeeda ay weerarada kordhiyaan.

Qoraalka Jeneraal Zakiya ayaa u qornaaa sidan;

Talo ku socota xildhibaanada cusub gaar ahaan kuwa hori u soo qabanin xilal dowliyeed

Iyadoo bisha barakeysan ee Ramadan inagu soo food haysa hadana badankiin magaalada Xamar ku soo wada xaadiri doontaan si loo dhameystiro doorashada dalka ka socota waxaan idinku boorinaayaa inaad fejignaantaan kana fiirsataan goobaha aad tagtaan iyo dariiqyada aad isticmaashaan. Waxaana idinka codsanaa inaad yareeysan tagida goobaha dad weyna iskugu imaadaan sida biibitooyinka iyo maqaayadaha.

Ogoow hadaa shalay ahayd qof shacab ah manta waxaa tahay masuul dad matala. Waxaase ogaataa waxa ugu weyn oo naf badbaadiya ma aha ciidan ee waa fejignaanataada.

Hadaa dareentid amni daro ama u baahatid gargaar la xiriir ciidanka boliiska adigoo wacaaya numberka 991.

*Facaaga ugu ficil roonoow
Haka fogaan cibaadada
Hana ku falaadin masuuliyada*

FG; Tani waa iga talo mana ahan cabsi gelin ama “ku dhaxmilin siyaasadeed” ee yaan la iga ciyaarin dardaaranka hadaa ahlul tawxiid tihiin 🙏

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More