Joe Biden oo qarka u saaran inuu ku guuleysto doorashada Madaxweynaha Maraykanka

Musharaxa xisbiga dimuqraadiga Joe Biden ayaa hoggaanka u qabtay gobolka Pennsylvania waxana uu inyar u jiraa inuu helo codadka uu u baahan yahay inuu helo si uu u noqdo Madaxweynaha Maraykanka.

Biden ayaa hogaanka u haya Trump kadib markii codadka la tiriyay ee Pennsylvania uu haysto 49.4% halka Trump uu helay 49.3%,waxaana ka dhiman tirinta codadka illaa 160,000 cod.

Codadka dhiman ee Pennsylvania oo illa 20 cod leh ayaa waxaa ay tahay halka uu ku xoogan yahay Biden gaar ahaan Philadelphia iyo Pittsburgh.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in xaalku ku xun yahay Trump oo u baahan in uu ku wada guuleysto dhammaan codadka afarta gobol ee hartay taasoo ah mid aan dhici karin maadaama afartaba hogaanka uu u hayo Biden.

Hase yeeshee Trump ayaa waxa uu diidan yahay qaabka loogaga hormaray codadka isagoo sheegay in maxkamad uu tagayo waxana uu sheegay in codadka sida loo tiriyay ay tahay qayaano.

Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden ayaa la sheegay in ammaankiisa la adkeeyay iyadoo ciidamo dheeraad ah loo direy ayna gaareen halka uu ku sugan yahay.