Jubbaland oo shuruud ku xirey ka qeybgalka shirka Arrimaha Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta ee Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Maamulka Jubbaland uusan qabanayn doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka sare ilaa gacanta maamulka Jubbaland laga soo gelinayo gobolka Gedo.

Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed Wasiirka Warfaafinta Jubbaland oo ka qeybgalay barnaamij dood ah oo laanta afka Soomaaliga BBC qabatay ayaa yiri;

“Xaq waxaan u leenahay oo September 17 lagu gooyay in aan annagu mas’uul ka nahay doorashada qeybta ka dhaceysa Jubaland. Madaxweynaheennu mas’uul kama noqon karo meel uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qabsaday, oo xitaa intaan u tanaasulnay aan dhahnay Gedo inteeda kale dib u heshiisiinta dambe ha gasho ee Garbahaareey aan guddoomiyihii iyo 100 wiil oo boolis ah keenno, oo uu diiday, oo ay dheheen ka tanaasula, oo uu subixii dambena soo duulay, markaasaad leedihiin dalka yaan caqabad la gelinin,”

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayaa ugu baaqay dowlada federalka in muddo lixdan cisho ah kala baxdo ciidamada ay geysay gobolka Gedo.

“Annagu waxaan taagan nahay, Gedo oo Complete ah (dhameystiran) oo aan lasoo celinin wax doorasho ah oo ay jubaland galeyso ma jirto. Haddaan idiin sheegayaa, waa go’aanka aan leenahay, 60 maalmood gudahood haddii aan lagaga qaadin ciidamada oo aanan maamulka Jubbaland gacantooda lagu soo celinin wax doorasho ah oo aan galeyno ma jirto.”

Warkan ka soo yeeray Maamulka Jubbaland ayaa cirka ku sii shareeraya rajada laga qabay in dalka ay doorasho ka dhacdo maadaama shirkii Dhuusamareeb qodobadii la isku khilaafay oo lagu kala tagay ay ka mid ahayd maamulka gobolka Gedo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowaan iclaamiyay shir ka dhaca magaalada Garowe 15ka bishan oo labo cisho ay ka harsan tahay,hase yeeshee maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ku taliyay in shirka lagu qabto Muqdisho halka aysan maamulada Galmudug,Hirshabelle iyo Koofur galbeed aysan ka hadlin.