Jubbaland oo ugu baaqday dowlada federalka inay raaligelin ka bixiso weerarkii Musharaxiinta

War kasoo baxay dowlad goboleedka Jubbaland ayaa looga dalbaday dowladda Federaalka inay garawshiyo iyo raalli gelin ka bixiso tallaabadii lagu weeraray Musharaxiinta.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale dalbatay in la isugu yimaado shir ay ka soo qeyb galaan dhammaan saamileyda siyaasadeed in goobta uu shirkaas ka dhacayo ay noqoto meel amnigeeda lagu kalsoonaan karo, mas’uuliyadeedu lahaato Beesha Caalamka.

Warka ayaa lagu xusay in loo baahan yahay in la helo damaanad qaad ku aadan fulinta natiijada shirkaas iyo in Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ka dhex baxo oo uusan door ku yeelan hannaanka doorashooyinka, si loo helo kalsoonida saamileyda siyaasadeed ee dalka.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Maamulka Jubbaland;