Kaaliye Maxkamadeed oo lagu diley magaalada Garowe

bistoolad

Mid ka mid ah kalaiyaasha maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada Puntland ayaa lagu diley magaalada Garowe.

Kaaliyahan oo magaciisa lagu sheegay Garyaqaan Maxamed Maxamuud Cabdi Jaamuus ayaa lagu diley gurigiisa hortiisa xalay iyadoo dadkii ka dambeeyay dilkiisana ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Dilalka loo geysto dadka ka shaqeeya maxkamadaha ayaa ah kuwo aalaaba ka dhaca deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya iyadoo dilkaasna ay sheegtaan ururka Alshabaab.