Kenya oo saddex mar Soomaaliya uga guuleysatay dhinaca Diblomaasiyadeed

Kaddib khilaaf diblomaasiyadeed oo muddo u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya, Muqdisho ayaa bishii November ee 2020-kii gaartay go’aanno xiriir ah oo ku saabsan xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Tallaabadii koowaad waxa ay sheegtay in Kenya ay faragelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, Kaddib waxa ay ceyrisay safiirkii Kenya u fadhiyay Muqdisho, ayada oo u yeeratay safiirkeedii Nairobi. Intaas kuma simmin ee waxa ay sheegtay in ay cilaaqaadka diblomaasiyadeed u jartay Kenya ayada oo xiratay safaaraddeedii Nairobi, Kenyana u sheegtay in ay toddobo maalin dalka ugala baxdo diblomaasiyiinteeda.

Kenya waa inkirtay dhammaan eedaha ay Soomaaliya u jeedisay. Waxa ay sheegtay in ay aysan Soomaaliya ka helin war rasmi ah oo ku saabsan go’aannada ay gaartay, hase ahaatee ay ka xun tahay in ay jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay.

Dacwadda IGAD iyo Guusha Kenya

Soomaaliya ayaa dacwad u gudbisay urur goboleedka IGAD oo ay ku mideysan yihiin siddeed dal oo ku yaalla bariga Afrika. War ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirka IGAD ee dhacayay 20-kii December 2020 looga hadli doono ‘ashtako’ ay ka gudbisay Kenya.

Markii la isugu tagay shirkii Jabuuti, Kenya ayaa ku guulaysatay in aan ajandaha shirka lagu darin dacwadii ay Soomaaliya ka soo gudbisay. Shir doceed ay goob joog ka ahaayeen madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Raysal wasaaraha Itoobiya Abey Axmed ayaa lagu kulansiiyay madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya, Uhuru Kenyatta iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shir doceedkaas waxaa la iskula gartay in guddi xaqiiqo raadin ah oo IGAD ka socda loo saaro arrinta muranka xuduudka ee labada dal.

Kenya arrintaas waxa ay u ahayd guushii koowaad ee diblomaasiyadeed. In ajandaha shirka IGAD lagu daro dacwad Kenya laga keenay waxa ay dhaawici kari lahayd sumcadda Kenya. Caadiyan wax wanaagsan ma ahan in dalkaaga laga dacweeyo fagaare caalami ah, haddana Kenya waxa ay u diyaar garoobaysaa in ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku metesho Afrika marka la gaaro bisha Maarso ee sanadkaan oo ay ku fariisan doonto kursiga xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka.

Dhinaca kale, Soomaaliya oo aad u buunbuunisay khilaafka kala dhexeeya Kenya, gaarsiisayna heer ay cilaaqaadkii diblomaasiyadeed u jarto, waa ku guul darraysatay in dowladaha gobolku ay galaan arrintooda. Wakiilkii Midowga Afrika ee shirka ka qeyb galay wuxuu ammaanay Kenya oo uu u tiriyay abaal badan oo ay Soomaaliya u gashay. Warkiisu wuxuu u muuqday mid Soomaaliya ku tilmaamaya in ay ku abaal dhacayso Kenya.

Guusha labaad ee Kenya

Kenya kuma simman dadaalkeeda halkaas ee waxa ay waqti galisay guddigii xaqiiqo raadinta ee ay IGAD maacawday. Iyadoo ka faa’iidaysanaysa awoodda hay’adaheeda dowladeed, xiriirkeeda diblomaasiyadeed iyo saammaynteeda gobolka ayay awood u yeelatay inay ka dhaadhiciso guddigii xaqiiqo raadinta IGAD ajandaheeda. Waxa ay guddigaas waqti ku qaateen Nairobi iyo Mandheera oo Kenya ka tirsan, iyaga oo la kulmay masuuliyiin Kenyan ah oo ay ku jirto Wasiirka difaaca Kenya Monica Juma oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda iyo diblomaasi rugcaddaa ah oo gaartay heer safiir iyo xoghaye joogto. Sidoo kale, saraakiisha ciidanka Kenya ayay la kulmeen oo diyaarad ay ciidanka Kenya leeyihiin ku geeyay xuduudda labada dal. Markii ay guddigu Muqdisho tageen, waa diideen in la geeyo Beled Xaawo.

Ugu dambayn, warbixintii ay soo saareen guddiga xaqiiqo raadinta IGAD waxa ay ku beeniyeen run ahaanshaha dacwaddii ay Soomaaliya gudbisay. Taas oo ka dhigan in ay taageereen Kenya.

Jawaabo ay ka bixiyeen cabashooyinka Soomaaliya qaar sida ku xadgudubka hawada Soomaaliya waxa ay u muuqdaan kuwo ay “u yeerisay Kenya” sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Soomaaliya, arrintaas oo ah mid la rummaysan karo.

Guusha Saddexaad

Guusha saddexaad ee ay Kenya tirsan karto waa in dowladda Soomaaliya ay eedeysay dowladda Jabuuti oo ah dalka kaliya ee Soomaali ah ee adduunka ku yaalla, xubinna ka ah IGAD, AU iyo Qaramada Midoobay. Sababtu waxa ay tahay, Kenya xisaabta uguma jirin in ay si sahlan ku heli doonto marqaati cad oo xoojinaysa dooddeeda ah in Soomaaliya ay iska maagayso dowladaha dariskeeda ah, waa guul saddexaad oo ay ka gaartay Soomaaliya.

Dhinaca kale, Dowladda Jabuuti lama oga waxa ay uga jawaabi doonto eedeynta iyo abaal sheegashada uu wasiirka warfaafinta Soomaaliya u jeediyay ee ku saabsan in ay Kenya la safatay, ayada oo guddiga warbixinta soo saaray uu wakiil ka ahaa IGAD. Waxaa iswaydiin leh sidee guddi IGAD soo dirsaday loogu eedeyn karaa Jabuuti?

Gabagabo

Soomaaliya waxaa muuqata in aysan lahayn siyaasad dibadeed oo leh istiraatiijiyad fog iyo fahan la xiriira diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa tallaabada ay dacwad Kenya ka dhan ah ku gaysay IGAD oo ahayd mid aan laga fiirsan oo aan aad loo turxaan bixin arrimaha gobolka ka jira dartood.

IGAD waxaa ku mudeysan dalalka Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Soomaaliya, Suudaanta Koofureed iyo Eritrea.

Saddex dal oo ka mid ah siddeedaan dal waxa ay ku mideysan yihiin Bulshada Bariga Afrika (EAC), waana Kenya, Uganda iyo Suudaanta Koofureed. Saddex dal oo kale dhawaan ayay ku dhawaaqeen iskaashiga isdhexgalka dhaqaalaha geeska Afrika waana Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea. Jabuuti iyo Suudaan ayaan xulafo kale oo goboleed ku jirin marka laga soo tago xiriirka laba geesoodka ah.

Dhinaca kale marka laga eego, Suudaan iyo Jabuuti waxa ay u dhawaan karaan Kenya marka laga hadlayo danahooda qaranka, sababtoo ah Suudaan waxa uu muran xudduudeed kala dhaxeeyaa Itoobiya oo ay Soomaaliya la tahay saaxib dhow muddooyinkaan dambe, iskaashi la gaarsiiyay heer isdhaxgaleedna uu kala dhaxeeyo.

Sidoo kale, Jabuuti waxaa dhul ka haysata Eritrea oo Soomaaliya kula jirta xulafada geeska Afrika. Dowladda Jabuuti ma qarin sida ay uga xun tahay in Soomaliya oo walaal la ah ay u ololeyso, lana heshiiso Eritrea oo xoog uga haysata dhul, ciidan badan la dishay, maxaabiis ay ka qabsatay ka inkirtay, walibana ku eedeysan oo lagu cunaqabateeyay in ay taageerto Al-Shabaab. Sidaas darteed, cadawgaaga saaxibkiis waa cadowgaaga. Kenya kuma jirto isbahaysiga Geeska Afrika ee ay Suudaan iyo Jabuuti ka caraysan yihiin.

Soomaaliya waa ku qaldanayd in gole sidaas ah oo haddii la codeeyo ay ka heli karto kaliya laba cod iyo codkeeda, shan codna ay ka soo horjeesanayaan ay dacwadda Kenya gayso.

Sidoo kale, haddii ay ku guul darraysatay in dacwadeeda lagu daro ajandaha shirkii IGAD, waxay ahayd in ay aaddo Midowga Afrika ama xataa Qaramada Midoobay, laakin in ay aqbasho guddi xaqiiqo raadin ah oo waliba saraakiil hooseysa ah in loo saaro arrin iyada u masiiri ah waxay ahayd fahan xumo.

Ugu dambayn, Soomaaliya waxaa la gudboon in ay wax ka barato arrintaan iyo kuwa la midka ah ee ay ku maqan yihiin dowladaha khaliijka ama ay ku aammusan yihiin dowlado waawayn sida Ingiriiska iyo Midowga Yurub. Waa in la dajiyo siyaasad dibadeed oo ka madax bannaan dano siyaasadeed ama shaqsiyadeed taas oo horseedda in dalku uu danahiisa dibadeed xaqiijiyo isaga oo sharfan.

Muranka Kenya waxaa laga yaabaa in uu xalliyo waqtigu (sida natiijada doorashada la filayo), haddii kale waxaa furan dhexdhexaadin uu sammeeyo dal wayn oo lagu kalsoon yahay ama in ashtakada la geeyo madal caalami ah sida Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Waxaa diyaariyay

Hassan Abdiaziz

garyaqaan77@gmail.com