Kenya oo war ka soo saartay sababta aysan uga qeybgalin dacwada Badda ee Soomaaliya

Kenya ayaa sharaxaad ka bixisay sababta ay u go’aansatay in aysan ka qeybgalin dacwada badda ee Soomaaliya, iyada oo sabab uga dhigeysa caddaalad darro ay ku eedeysay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka.

Kenya waxay ku eedeysay dal saddexaad oo aysan carabaabin oo dano ganacsi leh inuu carqaladeynayo xiriirka labada dal taasina ay khatar ku tahay nabadgelyada iyo amniga gobolka oo markii horeba nuglaa.

Sidoo kale dowlad Kenya ayaa sheegtay in dacwada si deg-deg ah loo fuliyay isla markaana ay ka dambeyso iska horkeenka wadamada iyaga oo gebi ahaanba iska indhatiraya xaalada amni ee gobolka.

Dhanka kale, Kenya ayaa sheegtay in ay ku kalsoon tahay mowqifkeeda inuu jiro xuduud badeed la aasaasay sanadkii 1979, oo ay labada dalba ixtiraamayeen ilaa iyo 2014 oo ay Soomaaliya geysay dacwad Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda.