Koofur Galbeed iyo Galmudug oo beri soo dhameystiraya xildhibaanada ku harsan.

Mar 14 (Jowhar.com) – Guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed ee maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa maalinimada beri oo talaada ah waxa ay soo dhameystirayaan xildhibaanada ku harsan ee kamid noqonaya golaha shacabka baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Sida qorshuhu yahay, Baydhabo waxaa beri lagu dooranayaa 7 kursi, kuwaasoo kala ah HOP# 204 HOP# 197,HOP#179, HOP#172,HOP# 164 iyo HOP# 047, halka Galmudug beri magaalada Gaalkacyo oo ah deegaan doorahsadeeda labaad lagu qabanayo doorashada kuraasta HOP#018, HOP#021 iyo HOP#020.

 

Hadii doorashooyinkan ay qabsoomaan waxey ka dhigan tahay in maamulada Galmduug iyo Koofur Galbeed ay noqdaan maamul goboleedyadii ugu horeeyay ee soo dhameytira dhamaan xildhibaanada golaha shacabka, iyadoo kuraas ay ku harsan yihiin Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle.

 

Beri oo taariikhdu tahay 15-ka Maarso waa xiligii u dnabeeyay ee golaha wada tashiga qaran ay qabsadeen in lagu soo gunaanudo guud ahaan doorashada golaha shacabka oo dhowr jeer dib uga dhacday waqtigeeda, iyadoo beesha caalamkana ay kordhiyeen cadaadiska ay saarayaan madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More