Kulan lagu taageerayay doorka Haweenka ee dagaalka Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho.

Sept. 22 (Jowhar.com)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu muujinayay doorka ay Haweenka Soomaaliyeed ku lee yihiin ka qeybgal Nabadda iyo la dagaalanka Xagjirnimada, iyadoo munaasbaadan ay soo agaasintay Wasaarada Haweenka Soomaaliya.

Munaasabadan oo ay goob joog ka ahaayeen madax kala duwan iyo saraakiil ciidan ayaa lagu bogaadiyay howlgalka balaaran ee gobolada dalka looga xureynayo kooxda Al-Shabaab, waxeyna madaxdii joogtay ay sheegeen iney diyaar u yihiin ka qeybgalka kacdoonada socda.

Wasiirka Arrimaha gudaha, Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Wasiirka Haweenka oo qaban qaabada leheyd, Saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale oo Haween u badan ayaa madasha xaadirtay.

Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ku amaanay Haweenka sida ay ugu dhiiradeen muijinta kaalintooda dagaalkan, xili la arkayay Haween Taageero raashin iyo mid Maaliyadeed la garab taagan ciidamadda dagaalka Shabaab ku foorara wada.

“Waxaan bogaadinayaa Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqda Aadanaha oo ay hogaamiso Wasiir Hon Khadija Mohamed Diriye oo si joogta ah u wada abaabul ballaaran iyo ka qeybqaadashada haween weynaha Soomalaiyeed hawlaha dalka dib looga xoraynayo gacanta Argagixisada” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Fiqi ayaa dhinaca kale tilmaamay inuu heer gaba-gabo ah marayo duulaanka ka dhanka ah Shabaab, isagoo dadka ugu laab qaboojiyo iney maalmo yar uun ay adkeysi muujiyaan.

“Maantana inaan ka qeybgalo hawshaas sharaf bay Ii ahayd. Waxa socda halgan aan loo kala harin, waxaana gabaabsi ah maalmaha argagixisada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More