Kusimaha madaxweynaha marwo Sacdiya Yaasiin oo gurmad u qaaday Puntland.

July 11 (Jowhar.com)-Deeq gargaar oo ay hoggaaminayso Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye 1aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yasin Samatar ayaa goordhow u ambaxday Magaaladda Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Ujeedka socdaalkan Marwo Sacdiya ayaa ah si halkaas ay u gaarsiiso deeq-gargaar oo loogu tallo-galay, waanna safarkii ugu horeeyay ee marwo Sacdiya ay ku tagidoonto Magaaladda Boosaso.

Deeqdan ayaa loogu talagalay in wax looga qabto dadka ay saameysay abaarta ku dhufatay deegaanada Puntland, si gaar ah gobolka Bari.

Si kastaba, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa dhawaan ka dalbaday dowladda gaar ahaan ergeyga madaxweynaha ee arrimaha gurmadka C/raxmaan C/shakuur Warsame inuu il gaara ku eego dhibaatada ee keentay abaarta ee ka jirta deegaano kamid ah maamulka Puntland

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More