La taliyeyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha Sharciga,Dhaqaalaha iyo Siyaasadda oo la magacaabay

May 26 (Jowhar.com) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu u magacaabay la taliyaashiisa arrimaha sharciga,dhaqaalaha iyo siyaasadda iyo Baarlamaanka’

1Ibraahim Eidle Sulayman ayaa loo magacaabay Lataliyaha Sharciga Madaxweynaha J.F.S. ,Zakaria Hassan Ali (Gaashaan) Lataliyaha Siyaasadda iyo Xiriirka Baarlaamaanka Madaxweynaha J.F.S iyo Hassan Adam Hosow oo noqday Lataliyaha Dhaqaalaha Madaweynaha J.F.S.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey La taliyeyaasha in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka.

Xubnahaan la magacaabay ayaa soo qabtay Xilal sarsare oo Hay’adaha dowladda dhexdooda ah iyo meelo kale oo muhiim ah, waxa ayna khibrad wanaagsan u leeyihiin howlaha loo igmaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu hore u magacaabay la taliyaha arrimaha amniga iyo Ergeyga arrimaha bani’aadanimada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More