Labo qarax oo si kala gaar gaar ah uga dhacday maanta magaalada Muqdisho

Labo qarax ayaa si kala gaar gaar ah ugaga dhacay maanta magaalada Muqdisho iyadoo qaraxyadana ay ahaayeen kuwo miinada dhulka lagu aaso oo meelaha fogfog laga qarxiyo.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay barqanimadii maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hiliwaa,iyadoo qaraxana lala beegsaday mas’uul ka tirsan maamulka degmada Heliwaa.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hego meelaha fog-fog ayaa waxaa lala eegtay gaari uu saarnaa Guddoomiye Waaxeed ka tirsan deegaanka Daarusalaam ee Muqdisho, xili uu marayay Xeyla Bariise.

Wararka waxa ay sheegayaan in uu ka badbaaday guddoomiye waaxeedkii weerarka lala beegsaday balse waxaa ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladiisa.

Dhinaca kale, duhurnimadii maanta qarax miino oo dhulka la geliyay ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhexeeysa isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Difeer gaar ahaan halka loo yaqaano qabuuraha Qaranka ee degmada Hodan ee Gobolkaaan Banaadir.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in xiligii uu qaraxu ka dhacayay ay wadada marayeen gaadiid ay la socdeen Ciidamo Boolis ah.

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhaawacmay qaraxaas maanta ka dhacay degmada Hodan.
Qaraxyada loo adeegsado miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa waxaa ay yihiin kuwo caadi ka noqday caasimada dalka ee Muqdisho.