Lafta-gareen oo safar eeg deg ah ku aadat Itoobiya, xili uu saluugsannyqhay xukuumadda cusub.

August 05 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa safar qarsoodi ahaa ku aaday magaaladda Adis-Ababa ee caasimadda dalka aan badda leheyn ee Itoobiya.

Sida wararku sheegayaan, Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ka qaaday diyaarad gaar ah oo Milatari, taasoo soo dirtay dowladda Itoobiya, iyadoo aan si faah faaagsan loo ogeyn ujeedka socdaalkan.

Safarkan ayaa ku soo aadaya xili dhawaan ay Baydhabo tageen saraakiil sar sare oo ka tirsan Sirdoonka Itoobiya, iyagoo kala hadlay madaxda Koofur Galbeed dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo sidii xadka loo adkeen lahaa.

Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa saluugsan xubnaha Koofur Galbeed ku metela wasiiradda cusub, waxaana ugu sii daran Mukhtaar Rooboow oo laga dhigay wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, Rooboow iyo Lafta-Gareen waxaa ka dhexeeyay dagaal xooggan oo salka ku haya arrimaha Koofur Galbeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More