Lafta-gareen oo war ka soo saaray shirkii uu iclaamiyay gudoomiyaha golaha shacabka.

Nov. 21 (Jowhar.com) -Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa soo dhaweeyay baaqii todobaadkan ka soo baxay gudoomiyaha golaha Shacabka, kaasoo uu ku shaacinayay shirweyne lagu xalinayo buuqa siyaasadeed ee Koofur Galbeed.

Qoraalk uu sii saaray Lafta-Gareen ayuu ku sheegay inuu taageerayo baaqa gudoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aasdn Madoobe oo isagu kamid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan ee maamulkaasi.

“Xafiiska Madaxweynaha waxaa uu soo dhaweynayaa baaqii uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku baaqay, wakhtiga shirka u furmaayo waan idinla soo wadaagi doona.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa sheegay inuu go’aankan u qaatay sababo ku aadan sidii loogu midoobi lahaa dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee ka socda deegaanada maamulka

“Ayada oo la tixgelinayo kacdoonka Shacabka, laguna dagaalamayo kooxda argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab oo ay hogaaminayaan ciidamada xooga dalka iyo ciidamada daraawiishta DKGS si looga ciribtiro dalka iyo dibadada,” ayaa lagu yiri qoraalka oo lagu sheegay arrimaha mudnaanta u leh maamulka.

Si kastaba, Aadan Madoobe ayaa dhawaan iclaamiyey shir guud oo looga arrinsanayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi, taas oo ka dhalatay muddo kororsi uu sameystay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More