lix ruux oo dil toogasho ah lagu fuliyay xabsiga Mandheera ee Maamulka Somaliland

Maamulka Somaliland ayaa saaka dil toogasho ah ku fuliyay lix nin oo ku xirnaa xabsiga deegaanka Madheere, kuwaas oo hore maxkamadaha Somaliland ay dil ugu xukumeen.

Lixdan ruux oo dhammaantood rag ah ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay;-

1-Yaasiin Maxamed Yuusuf.
2-Sharma’arke Sahal Oogle.
3-Quulle Maxamed Cilmi.
4-Khaalid Cabdi Xaydar.
5-Khadar Maxamed Warsame iyo Cabdikariin Maxamed Mahdi.

Raggaas ayaa ku eedaysnaa in ay hore u gaysteen dilal kala duwan, waxaaa maxkamadaha Somaliland dhammaan ku xukumeen dil toogasho ah.

Xabsiyo ku yaal Maamulka Somaliland ayaa waxaa ku xiran maxaabiis badan oo dil sugayaal ah.