Maalinta Codka kalsoonida loo qaadayo Golaha Wasiirada oo la shaaciyay

golaha-1

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maalinta berito oo Sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 24ka Oktooba 2020 inay kulanka ay yeelanayaan ay codka kalsoonida ugu qaadaan golaha wasiirada cusub ee dhowaan la magacaabay.
Tan iyo markii lagu dhowaaqay golaha wasiirada cusub ayaa wasiirada la magacaabay ay ka dhex wadeen xildhibaanada baarlamaanka olole ay ugaga codsanayaan inay codka kalsoonida siiyaan.

19-kii Bishaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu Magacaabay golihiisa Wasiirada, waxaana laga sugayaa golahan wasiirada cusub inay qabanqaabiyaan doorashooyinka dalka.