Maamulka Gobolka Banaadir oo Lagu Wareejiyay Maamulida Adeegyada Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay maamulka gobolka Banaadir ku wareejisay maamulka adeegyada caafimaadka ee magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Munaasabada ay Wasaarada Caafimaadka Adeegga caafimaad lagu wareejinayay maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa ka qeybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirka Caafimaadka Fowzia Abiikar Nuur iyo mas’uuliyiin ka socotay dowladda Federaalka iyo xubno kale.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday qorshe ay maamulada dalka ugu daadejineyso adeegyada caafimaadka ee ay shacabka u baahan yihiin.

Howlaha wareejinta Maamulka Adeegyada Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo xil saaray Guddiyo, kuwaasi oo ka shaqeeyay sida lagu wareejin karo Maamulka Adeegyada Caafimaadka