Maamulka Jubbaland oo taageeray Mowqifka Puntland ee Shirka Arrimaha Doorashooyinka

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa soo dhowaysay baaqa la xiriira in 15-ka bishan la isugu yimaado shir ku saabsan Arrimaha doorashada Soomaaliya oo lagu qabto magaalada Muqdisho.

Jubaland waxay taageertay mowqifka Puntland oo ah in shirka lagu qabto magaalada Muqdisho. ”Dowlada Jubbaland waxay ku talineysaa in Shirkaasi uu ka dhaco magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.”

“Dowlada Jubbaland waxay soo dhaweynaysaa kana qeybgaleysaa shirka watashiga arrimaha doorashooyinka ee 15 Febraayo.”ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Sidoo kale Jubbaland waxay soo jeedisay in dhammaan Saamileyda Siyaasadeed ee dalka laga qayb-geliyo Shirka.

Shirkan ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in shirkan loogaga hadlayo arrimaha doorashooyinka uu ka dhici doono magaalada Garowe,hase yeeshee maamulka Puntland ayaa sheegay inaan lagala tashin shirkan.

Illaa iyo hadda dowlad goboleedyada Galmudug,Hirshabelle iyo Koofurgalbeed ayaan ka hadlin shirkan uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo inuu ka dhici doono magaalada Garowe.