Maamulka Puntland oo loo gudbiyay qodobo lagu xalinayo Sicir Bararka

Guddi gaar ah oo dowlad goboleedka Puntland u saartay ka soo tala bixinta iyo xal u helidda qiima dhaca Shillinka Soomaaliga ayaa soo bandhigay qodobo dhowr ah oo ay ku taliyeen, si xal loogu helo qaadashada Shillinka Soomaaaliga, waxaana ka mid ahaa qodobada ay soo saareen guddigaan.

Qodobada ay soo bandhigeen guddigan ayaa waxaa ka mid ah in maamulka Puntland uu lacagta mushaarka shaqaalaha uu ku daro shillin soomaaliga.

1, In la socodsiiyo shilling Soomaaliga, go’aamada waxaa iska kaashanaya dowladda, ganacsatada iyo bulshada, iyadoo mid walba qayb loo jaan gooyay xarayn doono.

2, In Bangiga lagu xereeyo lacagta shilling Soomaaliga ee ku badan suuqa, dowladda ayaa bar xerayn doonta, halka barka kalena ay ganacsatadu xerayn doonaan.

3, Dowladdu canshuurta dekedda Boosaaso 20% ku qaaddo Shilling Soomaali.
4, In dowladdu mushahar iyo adeegyada dowladda 20% ku bixiso Shilling Soomaali.

5, Waxaa meesha laga saaray kala duwanaanshanaha sarifka lacagaha qalaad iyadoo uu jaan goyn doono bangiga dhexe ee Puntland.

6, Waxaa la joojiyey qulqulka lacagaha Shilling Soomaaliga ee u kala gooshaya gobolada Puntland, iyadoo loo xilsaaray bangiga dhexe ee Puntland.

7, In dowladdaha Hoose canshuuraha ku qaadaan Shilling Soomaaliga, gaar ahaan kuwa maalin laha ah.

8, In sariflayaashu ruqsad ka qaataan bangiga dowladda, ayna raacaan xeerarka bangiga si uusan u imaan khalkhal sarif.

9, Shirkadaha isgaarsiinta waxaa loo fasaxay adeegyadii horay looga xayiray.

10, In shirkadaha Ganacsi ee gaar ka loo leeyahay, gaar ahaan korantada iyo biyuhu ka qaadaan macaamiishooda shilin Soomaaliga.

Go’aamadan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Bulshada Puntland si wayn u sugeysay go’aamada ka soo bixi doona Guddigaani oo xal u noqon kara arintan dhibaatada ku noqotay shacabka iyo Maamulka Puntland.