Maamulka Puntland oo qaatay mas’uuliyadda gabar ay ciidamadu dileen

Wararka ka imanaya magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu qaatay mas’uuliyadda gabar 15 sano jir ahayd oo ay ciidamada Puntland dileen.

Meydka gabadhan Nadiiro Faysal Shire, oo da’deedu ahayd 15-sano jir aya shalay la aasay,waxana la xaqiijiyay inay u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray Rasaas Booliiska Puntland ku rideen dad muddaharaad ka samaynayay Garoowe, 26-kii December 2020.

Marxuumadda oo geeriyootay 2-dii bishan January 2021 ayaa mudda saddex maalmood ah ku jiray tallaagad, kadib markii dowladdu caddaalad u samayn wayday Qoska gabadha oo ka soo jeeda Beelaha la hayb-sooco, balse ugu dambayn waxay dowladdu aqbashay in ay bixiso Magta gabadha.

Qoraal ka soo baxay Wasiirka Amniga Cabdisamad Gallan, oo lagu socod-siiyay wasaaradda Maaliyadda Puntland, islamarkaana la ogaysiiyay Qoyska Marxuumadda ayaa lagu sheegay in maamulka bixin doonto Magta gabadhaas yar.

Halkan hoose ka aqriso qoraal ka soo baxay Maamulka Puntland