Maamulka Warsheekh oo ka hadlay dil argagax leh oo ka dhacay duleedka Warsheekh

Maamulka degmada Warsheekh ayaa sheegay inuu baaritaan ku haayo dil argagax leh oo ka dhacay duleedka degmadaas, kaddib markii maleeshiyo hubeysan ay xalay dileen hooyo iyo labo carruur ay dhashay.

Xoghayaha degmada Warsheekh C/llaahi Raage Colow ayaa sheegay in falkaas uu ka dhacay meel degmada banaankeeda ah oo miyiga fog ah, isagoo xusay inay tuhun ka qabaan ka qabaan falkaas inuu aano qabiil yahay, balse baaritaan ay wadaan.

Waxaa uu sheegay in dhacdadaas ay aheyd mid arxan darro ah oo dad birimi-geydo ah lagu dilo sida haween iyo carruur.

Maleeshiyada hubeysan ayaa la sheegay inay gurigooda ugu tageen qoyska oo ay rasaas ooda uga qaadeen, waxaana ay dileen hooyo umul ku jirtay, labo carruur oo ay dhashay, halka la dhaawacay haweeney qoyska ka mid aheyd iyo wiil 5 sano jir ah.

Dhacdooyinka dilalka ayaa ku soo laab-laabtay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana inta badan ay salka ku hayaan aanooyin qabiil.