Maareeyaha Dekeda Muqdisho oo ka badbaaday qarax miino

Qarax miino ayaa saaka ka dhacay Wadada Kalluunka ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, waxaa qaraxa lala eegtay gaari uu la socday Maareeyaha Dekeda Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen labo ka mid ah ilaalada Maareeyaha Dekeda Muqdisho Axmed Washington.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay oo gaariga wadada marayay oo ciidanka ay saarnaayeen lala beegsaday.

Qaraxa saaka ka dhacay degmada Cabdicasiis ayaa ku soo aaday qarax ismiidaamin oo xalay ka dhacay maqaayad ku taalla agagaarka isgoyska KM4, waxaa qaraxaas ku dhintay 8 dhalinyaro, halka qaar kale ku dhaawacmeen.