Madaafiic Hoobiyeyaal oo caawa ku dhacay Dhuusamareeb iyo wararkii u dambeeyay

Warar goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in tiro hoobiyeyaal caawa ku soo dhaceen magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo caawa ku hoyanayaan Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Koofur Galbeed.

Madaafiicda hoobiyeyaasha ayaa ku soo dhacay agagaarka magaalada iyo garoonka diyaaradaha, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Wararka ayaa sheegaya in illaa 10 madfac ku soo dhaceen magaalada, waxaana dadka deegaanka cabsi weyn ka muujiyeen.

Hoobiyeyaasha caawa ku soo dhacay Dhuusamareeb ayaa ku soo aaday, xilli magaalada shir uga furmayo ku sugan Madaxda dowldda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleed oo berri furmaya.

Wixii warar ku soo kordha kala soco