Madaafiic iyo rasaas culus oo caawa laga maqlayo magaalada Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in rasaas culus iyo madaafiic ka dhaceyso, iyadoo habeenkii labaad ay tahay madaafiic lagu soo weeraray magaalada.

Sida wararku sheegayaan dhowr madaafiic ayaa qeybo ka mid ah magaalada ku soo dhacay, waxaana si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ay geysteen.

Madaafiicda kaddib ayaa waxaa magaalada duleedkeeda laga maqlay rasaas culus, waxaana la sheegayaa inuu yahay dagaal u dhaxeeya ciidanka xoogga dalka iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo soo weeraray.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayaan hub culus oo la is weydaarsanayo, waxaana ay ka cabsi qabaan in magaalada ku soo dhowaato.

Waa habeenkii labaad oo madaafiic hoobiyeyaal lagu weeraray magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugan yihiin Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo shir uga socda magaalada.