Madaafiic lagu weeraray aagga madaxtooyada Soomaaliya

Jan. 24 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in tiro hoobiyayaal ah lagu weeraray nawaaxiga xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Hoobiyayaasha la maqlay oo gaarayay ilaa todobo waxey ku dheceen qeybo ka mid ah degmooyinka Wartanabadda, Xamarweyne iyo Howlwadaag, si gaar ah waxey ugu dheceen aagga wasaaradda warfaafinta, Hotelka SYL iyo Xaafadda Ex-Fiyoore.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay madaafiicdan, walow aan wali la shaacin tirada rasmiga ah ee waxyeelada uu sababay.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii Shabaab ay gudaha u galeen xarunta maamulka gobolla Banaadir, iyagoo ka dagaalamayay kudhowaad 6 saacadood, iyadoo markii danbe la wada toogtay dableyda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More