Madasha Xisbiyada Qaran oo si weyn uga soo horjeestay magacaabida Guddiyadda doorshada

madasha

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa cambaareysay Guddiyada doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka heer Federaal inay ka mid noqdeen xubno ka tirsan Hey’adda NISA iyo Shaqaalaha Rayidka, taasoo baalmarsan shuruucda dalka u yaalla, heshiiska doorashada iyo xeerarka Baarlamaanka, taasoo dhaawaceysa kalsoonida lagu qabi karo hannaan doorasho xor iyo xalaal ah inay dalka ka dhacdo.

Sidoo kale Madasha ayaa sheegtay in Xukuumadda Federaalka aanay wax sharciyad u heysan soo magacaabida Xubnaha Gobolada Waqooyiga ku matala Guddiga doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka, taasoo ay sheegeen inay get ku tahay nidaamka matalaadda ee dalka isu dheelitirnaanta iyo madax banaanida guddiyada doorashada.

Madasha ayaa sheegtay inay ka sii afeefaneyso in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay qaadi doonaan mas’uuliyadda wax kasta oo keeni kara muran iyo is qabqabsi shaki geliya madax banaanida Guddiyada iyo natiijada doorashooyinka golayaasha Baarlamaanka Federaalka.