Madaxa arrimaha dibadda Shabaab oo lagu dhaawacay duqeyn

May. 24 (Jowhar.com)-Madaxii hawlgallada dibedda ee ururka al-Shabaab ayaa lagu dhaawacay duqayntii Sabtidii ka dhacday Jilib, sidaas waxaa sheegay dawladda Soomaaliya.

Cusmaan Maxamed Cabdi, oo ku magacdheer Macallin Cusmaan ayaa lagu dhaawacay duqayntaas. Ilaa hadda ma cadda nooca dhaawaca soo gaaray.

War-saxaafadeed kasoo baxay dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Cusmaan uu kooxda u qaabilsanaa arrimaha dibedda, keenista ajaanibta ee dalka iyo fududaynta kala gudbinta fikradaha.

Dawladda ayaa sheegtay in marka la bartilmaameedsaday uu guri ku dhuumanayey.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Macallin Cusmaan uu horey u noqday madaxa difaaca ee Al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More