Madaxa Sirdoonkii hore ee Israel Yossi Cohen oo bixiyay wareysi xasaasi ah

Madaxa hore ee wakaalada sirdoonka Israel ee Mossad Yossi Cohen ayaa bixiyay wareysi xasaasi ah oo uu ugaga hadlay xatooyada keydka nukliyeerka Iran.

Weerar lagu qaadayxarunta ku taal dalka Israel sanadkii 2018 ayaa lagu xaday tobanaan kun oo dukumiinti ah oo ay lahayd xukuumada Iran.

Sidoo kale waxa uu wareysigan ugaga hadlay ku lug lahaanshihii Israel ee burburintii xarunta nukliyeerka Iran ee Natanz, iyo dilkii saynisyahan cilmiga nukliyeerka.
Mr Cohen ayaa howlgab ka noqday madaxa Mossad usbuucii la soo dhaafay.

Mr Cohen ayaa wareysiga ku sheegay in labo sano ay ku qaadatay qorsheynta howlgalka. Wadar ahaan 20 wakiilada Mossad ayaa lug kulahaa dhulka – midkoodna ma aheyn muwaadiniin Israel ah, ayay sheegtay saxafiga Ilana Dayan ee wareysatay Yossi Cohen.

Madaxa sirdoonka ayaa howlgalka ka daawanayay xarun taliska uu ku leeyahay magaalada Tel Aviv. Wakiilo ayaa jabsaday bakhaar waxayna ku qasbanaadeen inay jabsadaan in ka badan 30 keyd ah.

In kasta oo aysan ahayn wax aan caadi ahayn in madaxdii hore ee Mossad ay wareysiyo bixiyaan ama ay ra’yigooda ka dhiibtaan arrimo gaar ah,haddana warka Yossi Cohen waa kuwo cajaa’ib.

Bilowgii wareysiga Mr Cohen wuxuu ka hadlay xarunta nukliyeerka Iran ee Natanz.
Iran waxay sheegtay in burburka uu sababay dab ka kacay goobta lagu nafaqeynayay uranium-ka bishii July ee sanadka 2020. Maalin kadib markii ay soo bandhigtay qalab cusub bishii Abriil ee sanadkan, saraakiishii waxay markale sheegeen in la kharibey oo waxyeelo weyn ay soo gaartey.

Iran ayaa Israel ku eedeysay inay falkaas ka dambeysay. Madaxii hore ee sirdoonka Israel ayaa sidoo kale ka hadlay dilkii Mohsen Fakhrizadeh.

Saynisyahankii ugu sareeyay Iran ee nukliyeerka waxaa lagu dilay waddo ka baxsan Tehran bishii November ee la soo dhaafay – weerarka Iran ayaa si cad ugu eedeeyay Israel.

Taliyihii hore ee Mossad ma uusan xaqiijin ama beeninin ku lug lahaanshaha dhimashada. Laakiin wuxuu sheegay in saynisyahanku bartilmaameed u ahaa sanado badan.