Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa warqad uu u direy madaxda maamul goboleedyada dalka waxa uu ugu baaqay inay si shaqso ah u soo gudbiyaan xubnaha guddiga doorashada.
Warqada ayaa loogu sheegayay Madaxda dowlad goboleedyada in gabo gabo tahay waqtigii loo qorsheeyay in lagu soo magacaabo xubnaha guddiga doorashada heer Federal iyo guddiga xalinta khilaafaadka.
Qoraalka ayaa madaxda maamul goboleedyada lagu xusuusiyay in magacaabista guddiga uu dib u dhacay lagana doonayo maamulada in kahor labaatanka bishan ay soo gudbiyaan xubnaha laga doonayo.