Madaxweynaha cusub oo kulan gaar ah la yeeshay gudoomiyaha golaha shacabka.

May 16 (Jowhar.com)- Gudoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku guuleystay doorasho adag oo ka dhacday caasimadda.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa booqasho ugu tagay madaxweynaha cusub, iyagoo yeeshay kulan mudo kooban socday, kaasoo aan si faah faahsan loo ogeyn waxa ay kaga hadleen, maadaama aan warbaahinta loogu yeerin kulankan.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta salaan iyo hambalyo ugu tagay madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ay doorteen Baarlamaanka labada Aqal” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Aadan Madoobe.

Warka ayaa intaas lagu sii daray in laga arinsaday sidii loo sii amba qaadi lahaa geedi socodka nabada iyo xasilooni siyaaseed oo wadajir ah oo guud ahaan dalka lagu soo dabaalo.

“waxaana labada masuul kulan koodi ahaa is xog-wareysi iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa geedi socodka nabada iyo xasilooni siyaaseed oo wadajir ah” ayaa qoraalka lagu soo xiray.

madaxweynaha cusub oo kulan gaar ah la yeeshay gudoomiyaha golaha shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More