Madaxweynaha Faransiiska Macron oo laga helay cudurka Covid-19

War ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa lagu sheegay in laga helay Madaxweyne Macron cudurka Covid-19.

“Macron waxaa laga helay caabuqa Covid-19 kadib markii baaritaan lagu sameeyay waxana uu muddo 7aad ah ku jiri doonaan karantiil.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Elysée Palace.

Hase yeeshee Macron ayaa ka maamuli doona dalkiisa qolka karantiilka uu ku jiro lamina oga halka uu cudurka ka qaaday madaxweynaha 42jirka ah.

Dalka Faransiiska ayaa dhowaan la geliyay bandow kadib markii ay sare u kacday dadka uu soo ridanayo cudurka Covid-19.

Illaa labo malyan oo ruux oo ku nool dalka Faransiiska ayaa laga helay cudurka Covid-19 iyadoo inku dhow lixdan kun oo ruuxna ay ugu dhinteen dalkaas cudurkan safmarka ah.