Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb kadib markii uu ka qeybgalay shirkii Golaha Wadatashiga oo dhawaan lagu soo gabagab eeyay magaalada Muqdisho.

Qoorqoor ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, xubno ka tirsan Labada Gole ee Maamulka Galmudug, maamulka caasimada iyo masuuliyin kale.

Dib ugu laabashada Dhuusamareeb ayaa ku soo beegmeysay xilli maalinta berri oo ku beegan 15ka bisha Janaayo ay tahay maalintii ugu horeysay ee lagu heshiiyay in doorashooyinka ay dib u bilowdaan.

Waxaa sidoo kale maamul goboleedyadooda dib ugu laabtay madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More