Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Taliyaha Ciidamada AMISOM

949

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha ciidanka Amisom iyo saraakiil uu hoggaaminayay oo maanta booqasho ku tagtay magaalada Dhuusamareeb.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Doorashooyinka gaar ahaan arrimaha Amniga. Kulanka kadib, Saraakiisha ayaa Kormeer ku tagay goobaha loo asteeyey iney ka dhacdo Dorashooyinka xildhibaanada ee Magaalada Caasimadda ah ee Dhusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka la qorsheeyay inay ka dhacdo doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Booqashada xubnaha wafdigan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu is casilay wasiirkii amniga dowlad goboleedka Galmudug oo ku eedeeyay Madaxweynaha Galmudug inuu abaabulayo dagaal ka dhan ah Ahlu Sunna.