Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Guddiga Doorashada Heer Dowlad Goboleed (Akhriso)

qoor-qoor-1-1024x683-1

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Guddiga Doorashada Heer Dowlad Goboleed, kaasoo qabanaya maamulka doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee laga soo dooran doono deegaanada Galmudug.

Guddigan ayaa ka kooban 8 xubnood, waxaana labo ka mid ah ay yihiin Haween, waxaa Guddiga loo qeybiyay habka 4.5 ee beelaha dega Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa noqonaya maamulkii saddexaad ee magacaaba Guddiga doorashada heer dowlad Goboleed, waxaa horay u magacaabay Maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabelle.