Madaxweynaha Galmudug oo safar dhulka ah ku tagay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta safar dhulka ah ku tagay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug oo uu muddo bil ku dhow ka maqnaa.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa safar dhulka ah waxaa uu kaga soo ambabaxay degmada Cadaado oo labo cisho ku hoyday, kaddib markii maalin ka hor uu safar dhulka ah kaga yimid magaalada Gaalkacyo.

Waxaa uu soo maray deegaanada Godinlabe iyo Mareergur oo halkaasi kula soo kulmay maamulka deegaanadaas iyo qeybaha bulshada oo uu ka xog wareystay xaaladaha ka jira iyo baahiyaha adeegyada kala duwan ee deegaanka u baahan yihiin.

Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdigiisa ayaa ugu dambeyn galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana Madaxtooyada ku soo dhoweeyay Madaxweyne kuxigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiin heerarkooda kala duwan.

Dib ugu laabashada Madaxweyne Qoorqoor ee Dhuusamareeb ayaa ku soo aaday, iyadoo todobaad kaddib ay u buuxsami doonto muddo sanad ah oo ka soo wareegatay, kaddib markii xilka loo doortay.

madaxweynaha galmudug oo safar dhulka ah ku tagay dhuusamareeb madaxweynaha galmudug oo safar dhulka ah ku tagay dhuusamareeb madaxweynaha galmudug oo safar dhulka ah ku tagay dhuusamareeb