Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor oo soo gaaray magaalada Muqdisho

1,440

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa soo gaaray Muqdisho, isagoo ka qeyb galaya Shirka Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Mas’uuliyiin ku dhow Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay inuu u yimid Muqdisho shirkaas iyo xalinta khilaafka Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, inkastoo la xusuusto inuu horay ugu guuldareystay dhex dhexaadintii bishii October oo loo arkayay in uu dhinac la safnaa.

Hase yeeshee Wasiirka Amniga Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa bartiisa Facebook u daabacay in Madaxweyne Qoorqoor uu u yimid ka qeybgalka shirka Madasha Wadashiga ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Madaxweyne Qoorqoor oo saaxibo dhow la ah Madaxweyne Farmaajo iyo rafiiqiisa Fahad Yaasiin ayaa mar walba oo Madaxtooyada Villa Somalia culeysyo siyaasadeed iyo caqabado soo wajahaan waxaa uu ahaa ninka ay inta badan u kaashadaan inuu ka xalliyo.

Mas’uuliyiinta soo dhaweysay Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka amniga Cabdulaahi Maxamed Nuur iyo Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur.