Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo dib ugu soo laabtay Jowhar

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa maanta dib uu soo laabtay magaalada Jowhar kadib safar shaqo uu ku joogay magaalada Muqdisho.

Cali Cabdulaahi Xuseen Madaxweynaha Hirshabelle ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada gole ee Maamulka Hirshabelle iyo maamulka gobolka Sh/dhexe.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa waxa uu kula kulmay xarunta ay ku leeyihiin qaramada midoobay  garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar,  Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee  qaramada midoobay u fadhiya dalka Soomaaliya James Swan.

Kulankan ayaa labada dhinac waxa ay ugaga hadleen kaalinta ay qaramada midoobay ka qaadanayso howlaha horumarka ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Shir jaraaid oo ay si wadajir ah labada dhinac u qabteen ayay ugaga hadleen waxyaabihii ay ka wadahadleen,

Madaxweynaha dowlad goboleeka hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa sheegay inay dhammaan arrimihii ay ugaga hadleen kulankoodii ay isku afgarteen.

Ambassador James Swan ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay waxana uu sheegay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto kaalmada ay siiyaan Hirshabelle.

”Waxa Qaramada Midoobay ay ka caawisaa hirshabelle arrimo kala duwan sida kahortagga ayaxa, fatahaadaha,dayactiro lagu sameeyay kanaalo,dhismayaasha dugsiyada,suuqyada iyo xarumo haweenka loo dhisay.”ayuu yiri James Swan.

Kulanka kadib ayuu Madaxweynaha Hirshabelle waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay gudaha magaalada Jowhar boqolaal ruux oo ka mid ah dadka ku nool magaalada Jowhar.