Khadiijo Maxamed Diiriye oo la kulantay Madaxweynaha Jubbaland

Dec 11 (Jowhar.com)-  Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Marwo Khadijo Mohamed Diriye ayaa la kulantay Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam,kadib markii ay safar saddex qeyb ahaa ku tagtay magaalada Kismaayo.

Kulankaan ayaa loogaga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa horumarinta haweenka iyo guud ahaan ilaalinta xuquuqda aadanaha,iyadoo kulankana uu ku soo beegmay xuska sanadguurada 75aad ee Maalinta Xuquuqda Aadanaha.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe ayaa ugaga mahadceliyay wasiirka haweenka Khadiijo Maxamed Diiriye booqashadeeda magaalada Kismaayo.

Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Dowlada Federalka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa uga mahadcelisay madaxweynaha Jubbaland soo dhoweynta loogu sameeyay magaalada Kismaayo.

Intii ay booqashada ku joogtay magaalad Kismaayo ayay Marwo Khadiijo waxa ay ka qeybgashay xuska maalinta xuquuqda aadanaha.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Ololaha Badbaadi hal qoys oo ka mid ahayd ujeedka booqashada Marwo Khadiijo magaalada Kismaayo ayaa qeybtii 1aad waxaa laga fuliyay Lug-Laaw, iyadoo 300 qoys la gaarsiiyay agab kala duwan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More