Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo gaaray magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” ayaa soo gaaray Muqdisho, isaga oo ka qeyb galaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayo dardar gelinta doorashooyinka iyo sixitaanka qaladaadkii ka dhashay habraacyada doorashada.

Waa Madaxweynihii labaad oo ka tirsan Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka oo soo gaara maanta magaalada Muqdisho, iyadoo magaalada ka jirto xiisado siyaasadeed iyo mid ciidan, waxaana la filayaa in berri Madaxweynayaasha kale ee dowlad Goboleedyada inay soo gaaraan Muqdisho

.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade Internationa Airport kusoo dhoweeyay Wasiirada Gaashaandhigga, Amniga,gargaarka, Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Xubnaha labada gole ee dowladda iyo masuuliyiin kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More