Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo la kulmay Safiirka Sweden

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlaawe Hussein ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowlada Sweden u fadhiya dalka Somaliya Ambassador Staffing Tillander.

Kulankaan ayaa looga hadlay ayaa intii uu socday, xal u helida fatahaadaha sida dayactirka Biyo xireenada, carratuurka lagu sameeyo wabiga. Dib u Heshiisiinta, Hirgalinta mashaariicyo muhiim u ah deegaanada Hirshabeelle.

Deegaano badan oo ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa waxaa saameyn xoog leh ku yeeshay fatahaad uu wabiga Shabelle ku sameeyo sanad walba.

Madaxweynaha Hirshabelle oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Muqdisho ayaa kulamo ku saabsan horumarinta Hirshabelle u ka wadaa magaalada caasimada ee Muqdisho.