Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo la kulmay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Kulankan oo ka dhacay hoyga Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa ahaa kulan qado ahaa oo Madaxweynaha Hirshabelle lagu martiqaaday, si ay uga wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka.

Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa si gaar ah uga hadlay arrimaha doorashooyinka oo uu ka jiro is mari waa xooggan iyo sidii tabashooyinka jira loo xallin lahaa.

Labada Dhinac ayaa sidoo kale waxay iska wareysteen xaalada deegaanada Hirshabelle, iyadoo Madaxweyne Cali Guudlaawe uu ka warbixiyay howlaha u qabsoomay mudadii uu xilka haayo, gaar ahaan arrimaha dib u heshiisiinta oo dhowaan labo beelood oo muddo dagaalamayay gogol ugu dhigay Jowhar, oo ay heshiis ku kala saxiixdeen.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa mudada uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo la qaadan doonaa siyaasiyiinta, xubnaha baarlamaanka labada gole iyo mas’uuliyiinta dowladda.