Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo soo dhoweeyay Metelaada Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa soo dhoweeyay Qaraarkii Matalaada Gobolka Banaadir ee uu shalay saxiixay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweynaha Hirshabelle oo ah Madaxweynihii ugu horeeyey ee maamul goboleedyada oo soo dhoweeyay saxiixan ayaa ku tilmaamay inuu yahay mid muhiim ah, isla markaana gobolka Banaadir uu helay xaq dastuuri ah oo lamid ah kuwa ay haystaan gobolada kale ee dalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxeynaha Hirshabelle ayaa lagu bogaadiyay xildhibaanada,duubabka dhaqanka iyo dhammaanba intii ku dadaashay sidii gobolka Banaadir uga heli lahaa metelaad Golaha Aqalka Sare ee dalka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa hore u soo dhoweeyay saxiixa uu Madaxweyne farmaajo saxiixay shalay metelaada Aqalka Sare ee gobolka Banaadir,waxana magaalada Muqdisho lagu qabtay maanta banaanbax lagu taageerayay.