Madaxweynaha Hirshabelle iyo Safiirka Mareykanka oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa wadahadal qadka taleefanka ku yeeshay.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa shaacisay in kulanka ay labada mas’uul uga wada hadleen Arrimo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen Dib u heshiisiinta, Amaanka iyo Doorashooyinka Federaalka ee nagu soo fool leh iyo sidii si wadajir ku wada shaqeyn lahaayeen sanadaha  soo socda

Wadahadalkan ayaa ah kii ugu horeeyay oo Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle uu la yeesho safiirka Maraykanka u qaabilsan dalka Soomaaliya tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Hirshabeelle.