Madaxweynaha Hirshabelle oo amar culus dul dhigay ciidamadda ATMIS ee Sector 5.

Sept. 29 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta kulan kula qaatay degmada balcad Taliyaha sector five ee Ciidamada ATMIS ayaa faray in u diyaar garoobaan howlgalo ka dhan ah dagaalameyaasha Al-shabaab.

Kulankaan oo uu qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Maamulka Degmada Balcad ayaa looga hadlay ammaanka guud ee Hirshabeelle, dardargalinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidii degdeg looga howlgali lahaa deegaanada ay maamulaan Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay ciidamada Qalabka sida iyo shacabka deegaanada Hirshabeelle sida ay uga go’an tahay in deegaanadooda ay ka saaraan Al-shabaab.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xili Hiiraan uu ka socdo guluf dagaal oo Shabaab ka dhan ah, iyadoo wali dagaalka kooxdaasi dalka looga saarayo aaney ka bilaaban deegaanada gobolka Sh.Dhexe.

madaxweynaha hirshabelle oo amar culus dul dhigay ciidamadda atmis ee sector 5. madaxweynaha hirshabelle oo amar culus dul dhigay ciidamadda atmis ee sector 5.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More