Madaxweynaha Hirshabelle oo Daahfuray shir dib u heshiisiinta beelo walaalo ah

Madaxweynaha Dowlada Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta magaalada Caasimada Dowlad goboleedka Hirshabelle ee Jowhar ka daahfuray Shirka Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Beelo Walaalo ah oo colaadi ku dhexmartay deegaanka burdheere ee Degmada Cadale gobolka Sh/dhexe.

Shirkaan waxaa ka soo qeybgalay XubnO ka tirsan labada gole ee Dowlad goboleedka Hirshabelle,Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Somaliyeed, Nabadoonada Culimada iyo Aqoonyahanada Beelaha Walaalaha ee Colaad dhextaalay muddo aad u dheer.

Hadal uu furitaanka shirka ka jeediyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayuu ku dheeraaday muhiimada ay nabadu u leedahay bulshada Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha ayaa goobta ka sheegay muhiimada uu shirkaan u leeyahay awgeed uga nbaaqday casuumaad uu ku tagi lahaa garowe isagoo sheegay inuu ka doorbiday Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Beelahaan Walaalaha ah.

“Muhiimada shirkan dib u heshiisiinta uu u leeyahay shacabka Hirshabelle waa mid aad u ballaaran,waxana uu shirkan sababay inaan ka baaqdo shirka maanta ka furmay magaalada Garowe kaasoo si rasmi ah la igugu casuumay balse aan ku cudurdaartay.”ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday waxgaradka iyo Aqoonyahanada beelahaan inay ka dhabeeyaan nabadeynta colaadaan dabadheeraatay oo galaafatay nolosha dad badan.
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan,Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle iyo mas’uuliyiin kale.

Nabadoonada iyo waxgaradka ka qeybgalay furitaanka shirka ayaa ballanqaaday inay ku dadaali doonaan sidii nabad waarta ay uga dhex dhalan lahayd beelaha walaalaha ah ee wada dega degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe.