Madaxweynaha Hirshabelle oo gaaray magaalada Cadale (Sawiro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada qadiimiga ah ee Cadale.

Madaxweynaha oo wafdiga balaaran ee uu hogaaminayo ay isugu jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano heer federaal, xubno labada gole ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle

Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Saraakiil iyo Marti sharafta kale waxaa si wayn u soo dhoweeyay bulshada iyo Maamulka Degamada Cadale.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo degmada cadale waxauu kalamo kala duwan la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada Cadale.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho kadib markiiuu ka soo laabtay safar uu ku tegey dalka Turkiga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in lagu wado maalinta berri ah ay magaalada Cadale gaaraan xubno ka mid ah Musharaxiinta dowlada sida Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xusan Sheekh Maxamuud.