Madaxweynaha Hirshabelle oo ka tacsiyadeeyay geeridii Ugaas Xasan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa Duubabka dhaqanka Soomaaliyeed, kaasoo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskiisa uga tacsiyadeeyay geeridiisa, waxaana uu Alle uga baryay inuu janatul Fardowso ka waraabiyo.

“Waxaa uga tacsiyadeynayaa qoyskii, eheladii iyo ummadda Soomaaliyeed uu ka geeriyooday Ugaas Xasan, waxaan alle uga baryayaa inuu janatul Fardowso ka waraabihi, samir iyo iimaan uu Alle naga siiyo”ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay in Ugaas Xasan uu kaalin weyn ku lahaa nabadeynta iyo dowlad dhiska, gaar ahaan doorkii uu ku lahaa dhismaha Dowad Goboleedka Hirshabelle.

“Ugaaska waxaa uu ka mid ahaa ugaasyada faca weyn ee saldanada dhaqanka, wuxuu kaalin weyn ka qaatay dib u dhiska, nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo dowlad dhiska ah”ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.