Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulan ay labada Mas’uul ay yeesheen ayaa waxay kaga hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka marxalada doorashada iyo waqtiga kala guurka ee uu dalku galay sidii nabad looga gudbi lahaa.

Labada Mas’uul ayaa si qoto dheer uga hadlay arrimaha doorashada iyo tabashooyinka jira in xal laga gaaro.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa uga warbixiyay Sheekh Shariif xaalada deegaanka Hirshabelle, arrimaha amniga iyo dib u heshiisiinta.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa kulamo Madaxweynaha Hirshabelle kula qaadanayay magaalada Muqdisho Madaxda dowladda Federaalka, Madaxdii hore, xildhibaannada laga soo doorto Hirshabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.