Madaxweynaha Hirshabelle oo lagu soo dhoweeyay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa goordhow ka degay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaasoo uga qeyb galayo shirka Wadatashiga ee looga hadlayo xallinta caqabadaha ku horgudban doorashooyinka.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Shirka Wadatashiga ee xallinta caqabadaha hannaankii doorashada ee lagu saxiixay Muqdisho 17 September ayaa waxaa la filayaa in muddo saddex cisho uu qaato, iyadoo looga doodi doono illaa saddex qodob.

Waxaa la filayaa inuu shirka furmo caawa fiidkii, maadaama Madaxda ay isla galabta ku soo xaadiri doonto magaalada Dhuusamareeb.